Muqdisho-Ayaamaha-Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay go’aan farxad galiyay shacabka reer Muqdisho, waxaana uu sheegay in wasaaraddiisu ay wato qorshe wax looga bedalayo ammaanka Muqdisho.

Wasiir Islow ayaa tilmaamay in la yareyn doono xirnaashaha waddooyinka Caasimadda, islamarkaana ay dowladdu furi doonto inta badan jidadka xiran oo muddooyinkii la soo dhaafay dadweynuhu ay dhibaato ku qabeen.

Wasiirka ayaa waxaa kaloo sheegay in dowladda federaalka ay la imaan doonto qalab casri ah oo lagu xaqiijinayo amniga dalka.

“Waxaan ballan-qaadayaa Jidadka inaan qafiifin doonno,Meelaha xiran waa Jid Caddayaasha oo kaliya jid cadde kastana Askari lama geynkaro Marka qalab Casri ah ayaana keeneynaa oo Amniga lagu xaqiijinayo,halla dulqaato amniga qorsheyaal badan ayaa nooga dagsan”ayuu yiri Wasiir Islow.

Waddooyinka waa weyn ee Caasimadda ayaa xiran, waxaana ka jira wax loo yaqaano Kala Wareeg.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sidoo kale ku sugan koontaroollo gaar ah oo laga sugo amniga guud ee magaalada Muqdisho.