Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen Xaruntooda,iyaga oo ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay ansixinta sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay sharciga,waxaana ogolaatay 135 Xildhibaan,halka 5 Mudane ay diideen,isla markaana waxaa ku dhawaaqay Natiijada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal Sheekh Cabdiraxaam oo sheegay in uu ansax yahay sharciga ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa Ku dhawaaqay Natiijada Codeyntii Maanta ee lagu ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda dalka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin u diray xubnaha ka maqan kulamada,isagoo xusay in xeer hoosaadka lala tiigsan doono xildhibaankii sabab la”aan u maqan.