Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in kulankii 1-aad ee Kalfadhiga 6-aad ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay xildhibaannada ku shiraan xarunta cusub ee laga dhex dhisay Villa Hargeysa, kaas oo ku yaalla gudaha madaxtooyada Soomaaliya, xilli la doonayo sida la sheegay in xaruntii hore ee golaha shacabka dib u dhis lagu sameeyo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa jeedin doona maanta hadaljeedintiisa, maadaama kalfadhiga walba ee la furo lagu bilaabo hadal jeedinta guddoomiyaha.

Ajendaha ugu layaabka badan ee maanta ayaa ah Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Ayadoo Xildhigolaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay horyaalaan Ajendooyin farabada ama ay ka doodikaraan waxyaabo muhiim u ah dalka sida Amniga Dalka, dhaqaalaha, shaqo la aanta dhalanyarada iyo waxyaabo kale oo ka muhiimsan ayaa xildhibaannada waxaa ay maanta ka doodayaan Hiddo Dhaqameed.