Muqdisho-Ayaamaha-Inta la xaqiijiyay qaraxaan waxay waxyeelo kasoo gaartay dad barakacayaal ah oo daganaa goobta uu qaraxa ka dhacay iyo ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay In qaraxan ay ka badbaadeen laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maryan Cariif iyo xildhibaan C/kariin Shabeel.

Xildhibaan Shabeel ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa sida la xaqiijiyay,halka Maryan uu kaga dhintay mid kamid ahaa ilaaladeeda.

Waxaa la xaqiijiyay sidoo kale in qaraxaan ay ku dhimatay Faay Cali Raage, oo ahayd Sarkaal sare oo ka tirsaneyd ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Gaadiidka Gurmadka deg deg ayaa xaqiijiyay in goobta laga qaaday dhaawacyadda 10-ruux kuwaasi oo la geeyay goobaha caafimaadka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dhanka Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxa ka dhacay Degmadda boondheere.