Muqdisho-Ayaamaha-War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Himilo Qaran ayaa sheegeen in Xisbiga uu ka walaacsan yahay saamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaaseed ee baryahan dambe ka aloosan deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidokale Siyaasiyiinta, Odiyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Wax-garadka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada iyo xasilloonida si looga fogaado wax walbaoo dhalinkara inuu daato dhiig-sokeeye.