Muqdisho-Ayaamaha-Xog gaar ee aan ka helnay ayaa ku ogaatay in gaarigii talaadadii ku qarxay xarunta degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir uu habeen hore ku baryay degmadaasi islamarkaana uu soo galay galabkii Isniinta.

Nooca gaarigaan oo ahaa Nooho ayaa la sheegay in uu ka soo galay dhinaca Suuqa Bakaaraha, waxa uuna ka soo gudbay bar-kontarool oo ku taala agagaarka Hotel Daamey ama Isgoyska Geed Jaceel ee degmada Warta-nabadda.

Mid kamid ah dadka ku nool degmada Warta-nabadd,a gaar ahaan agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareer ayaa sheegay in gaarigaan uu galabkii isniinta muddo ka badan 4 saac uu yiilay meel u dhaw masaajidk,a sidoo kalane kaabiga ku heysa xarunta degmada.

Dadka degaanka ayaa Ciidamada Booliiska kuwar-geliyay gaariga Isniintii, 5tii Galabnimo Afurka ka hor kadib markii ay ka shakiyeen waxaana ku dhax-jiray hal wiil oo kaliya oo ay ugu jireen Air phone (dhagaha Mobilka), balse ay kawar-celin waayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale dadka xog-ogaalka ah ayaa sheegay in gaariga markii uu jiiray difaacyada degmada aysan jirin cid daba-gashay ama ka difaacday gudaha degmada, waxaaana markii ugu dambeysay laga qaaday birta Al-baaabka xarunta degmada isagoo markii dambe ku qarxay gudaha xarunta oo u dhaw Albaabka.