Muqdisho-Ayaamaha-20-kii sano ee la soo dhaafay faragelinta taban ee Itoobiya ku heysay Soomaaliya Milateri ahaan iyo siyaasad ahaan waa is bedeleysay, marba marxalad ayayna ku soo aadeysay laga soo bilaabo sanadkii 1996-kii, xilligaasoo si rasmi ah Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha u soo galeen Soomaaliya, kaddib burburkii dowladdii Dhexe.

Kaddib burburkii dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, Itoobiya waxay u aheyd fursad weyn in Soomaaliya oo dowlad xooggan aheyd inay burburto, si ay meesha uga baxdo awooddii Soomaaliya ku laheyd Geeska Afrika, wixii ka dambeeyay 1991-kii waxaa bilowday dagaalo sokeeye iyo hoggaamiye kooxeedyo qabsaday gobollo iyo magaalooyin.

Markii u horeysay ee Itoobiya faragelin ciidan ku sameysay kaddib burburkii waxay aheyd sanadkii 1996-kii, xilligaasoo Gedo ay soo galeen Ciidamo Itoobiyaan, waxaa Gedo ka jiray kacdoono uu hormuud uu ahaa Ururkii Al Itixaad Al-islaamiyah oo xilligaas dhaq dhaqaaqyo ka waday Luuq iyo qeybo ka mid ah Gedo, Jen. Cumar Xaaji Masalle ayaa noqday ninkii u horeeyay oo Ciidamo Itoobiyaan soo geliya Soomaaliya, kaddib burburkii dowladdii Dhexe.

Wixii ka dambeeyay 1996-kii Itoobiya waxay gobolada Soomaaliya ee xuduuda ku dhow ku laheyd dhaq dhaqaaq milateri oo joogto ah, iyadoo marba ciidan soo gelin jirtay deegaanada Soomaaliya ee xuduuda dhaca, waxay bilowday inay hubeyso hoggaamiye kooxeedyo saaxib la ahaa.

Sanadkii 1999-kii Dagaalkii Jabhadda RRA kaga saartay Gobolada Bay iyo Bakool Maamulkii Salbalaar ee uu hoggaaminayay Eng. Xuseen Caydiid waxaa ka qeyb qaatay Ciidamo Itoobiyaan ah oo taageerayay Jabhaddii RRA ee uu hoggaaminayay Col. Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud.

Sanadkii 2000 oo Tuulada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo dhisay dowlad KMG ah ee Madaxweyne loogu doortay C/qaasim Salaad Xasan, Itoobiya lama dhaceysneyn dhismaha dowladdaas curdunka aheyd ee Jabuuti lagu dhisay, waxaana markaas kaddib bilowday inay xiriir la sameyso Hoggaamiye kooxeedyada Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwii Muqdisho iyo deegaanada kale kale soo jeeday, sida Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Cumar Xabeeb oo horaantii sanadkii 2001 la wareegay magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe, waxaa jirtay dhowr jeer ay Itoobiya Hub iyo saanad milateri siisay hoggaamiye kooxeedyadii ka soo horjeeday dowladdii C/qaasim Salaad Xasan.

2004-tii dowladdii lagu soo doortay Mbaghati ee dalka Kenya waxaa Madaxweyne loogu doortay C/llaahi Yuusuf Axmed. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa lagu tirinayay inuu saaxib dhow la ahaa Itoobiya, iyadoo la xusuusto in markii la doortay uu ka codsaday Midowga Afrika Ciidamo gaaraya illaa labaatan kun oo nabad ilaaliyaal ah, si ay dib ugu soo celiyaan kala dambeyntii, hubkana looga dhigo illaa 55,000 oo Maleeshiyo ah.

Bishii Maarso sanadkii 2005-tii Baarlamaankii KMG ee xilligaas si KMG ah ugu shaqeynayay magaalada Nairobi, waxaa uu yeeshay kulan aan caadi aheyn oo ujeedkiisa ahaa meel marin ciidamo ka socda Midowga Afrika oo aanay ku jirin dalalka safka hore waxaana ka dhashay buuq, codeyntii oo qarsoodi aheyd 217 Xildhibaan oo soo xaadirtay kulankaas waxaa diiday in ciidan safka hore la keeno 156 Xildhibaan, halka 55 ogolaatay, waxaa ka aamusay 6 Mudane, iyadoo wixii ka dambeeyay kulanka isku bedelay buuq iyo fowdo heer gacanta la iskula tago iyo kuraas la isla dhaco, waxaana xilligaas taariikhda u galay Baarlamaankii KMG ahaa in iyagoo aanay dalka dibaddiisa jooga inay isku gacan qaaday.

Bishii December 2006-dii markii u horeysay waxaa Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya soo galay Ciidamo Itoobiyaan ahaa oo taageerayay dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo xilligaas xarun KMG u aheyd magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, xilligaas dowladda waxay wajaheysay kacdoono uga imaanayay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga oo doonayay inay xukunka ka tuuraan dowladdii Beesha Caalamka aqoonsaneyd, soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya kaddib iyo dagaaladii Maxkamadihii ku dhex maray min Daynuunaay, Iidaale illaa duleedyada Muqdisho waxay sababtay in dowladdii KMG aheyd inay saldhigatao Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia muddo 15 sano kaddib burburkii dowladdii Kacaanka.

Dhaq dhaqaaqyadii ay wadeen Ciidamadii Itoobiya oo taageerayay Ciidamada dowladdii KMG waxay suura geliyeen in dhammaan Goboladii Koofurta iyo Bartamaha laga saaro Midowgii Maxkamadaha, wixii markaas ka dambeeyay Maxkamadihii Islaamka ee laga itaal roonaaday, qaarna howdka galay, kuwana dalalka deriska u cararay, waxay la soo baxeen xeelad cusub oo dagaal jabhadeyn ah “ku dhufo oo ka dhaqaaq ah”, waxaana bilaabatay kacdoon Muqaawamo ah oo weeraro ku qaadayay saldhigyada ciidamada Itoobiya Muqdisho gudaheeda, daafaheeda illaa gobolada dalka.

Dagaalkii muqaawamada lagula jiray Ciidamadii Itoobiya iyo tii dowladdii KMG aheyd wuxuu sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur ah hantiyadeed, iyadoo bartamihii sanadkii 2007-dii looga dhawaaqay magaalada Asmara Isbaheysi la magac magac Dib u xoreynta oo ay ku jireen Makamadaha Islaamiga ahaa ee laga saaray Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee Sheekh Shariif hoggaaminayay iyo garabkii Xildhibaanada uu hoggaaminayay Shariif Xasan Sheekh Aadan ee la baxay Baarlamaanka Xorta.

Wada hadalo Qaramada Midoobey garwadeen ka aheyd oo dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga la magac baxay Dib u xoreynta ee Asmara ayaa suura geliyay in la bilaabo dadaalo diblomaasiyadeed oo dalka looga saaro Ciidamadii Itoobiyaanka, iyadoo Isbaheysigii Asmara qeybtii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ay qaateen siyaasad ahaan in dowladda la hadlaan, kaddib is casilaadii Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd AUN C/llaahi Yuusuf dhamaadkii sanadkii 2008-dii, waxaa Jabuuti ka sii socday wada hadalada Isbaheysigii Asmara garabkii uu Sheekh Shariif hoggaaminayay inay ku biiraan dowladdii KMG, laguna heshiiyo dhismaha dowlad Midnimo Qaran, waxaana dhamaadkii bishii Janaayo 2009 doorasho ka dhacday dalka Jabuuti oo ay ka qeyb galeen isku darkii Xildhibaanadii KMG ahaa iyo Xildhibaano ka yimid Isbaheysigii Dib u xoreynta garabkii Sh. Shariif iyo Shariif Xasan ayaa waxay Madaxweyne u doorteen Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Horaantii sanadkii 2009 ayay si rasmi ah u bilaabatay in Ciidamada Itoobiya isaga baxaan Soomaaliya, iyadoo la fulinayay wada hadaladii Jabuuti ee lagu soo dhisay dowlad Midnimo Qaran, waxaana saddex sano kaddib Soomaaliya isaga baxay Ciidamada Itoobiya.

Iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyay Itoobiya wajaheysay eedeymo dhanka xuquuqda aadanaha oo ku aadan xasuuq ay geysteen mudadii ay dalka joogeen ayaa waxay dowladdii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Itoobiya Meles Zenawi ay is bedel ku sameysay qaabkii ay ula falgal jirtay, waxayna qaateen faragelintii dhinaca milateriga ahaa inay siyaasad ku bedelaan, waxaana Urur Goboleedka IGAD oo inta badan gaashaanka u heyso Itoobiya ayaa waxaa uu aa xafiiska la socodka arrimaha siyaasadda horaantii sanadkii 2010, Col.

Gebregziabher Alemseged oo loo yaqaano (Gen. Gabre), iyadoo Gen. Gabre uu ka mid ahaa Taliyeyaashii hoggaaminayay Ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya sanadkii 2006, isagoo ahaa Taliyihii qeybtii Sirdoonka Milateriga.

Xafiiska IGAD ee qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo xilligaas saldhiggiisa ahaa Jabuuti, wuxuu doorar ka qaadanayay kulamada siyaasadeed ee heerka caalami ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, shirarkaas waxaa barbar socday ololaha diblomaasiyadeed ee ay Itoobiya ka dhex sameyneysay Beesha Caalamka oo ahaa inay bedesho aragtida laga aaminsanaa, wixii ka dambeeya ka bixitaankeeda, 2009 illaa horaantii 2012 Itoobiya wax ciidan ah kuma aysan soo daabulin Soomaaliya, laakiin bishii February sanadkii 2012 ka hor inta aanu furmin Shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, ayaa Ciidamada Itoobiya oo ka soo gudbay xuduuda waxay la wareegeen magaalada Baydhabo oo aheyd halkii Ciidamada Itoobiya ka soo bilaabeen duulaankii 2006-dii.

La wareegidii Baydhabo ee Ciidamada Itoobiya iyo Shirkii London 23 February 2012 ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee ay dowladda UK soo qaban qabaabisay waxaa mar kale fursad u noqotay in Itoobiya isku muujiso, in aan looga maarmin xasilloonida Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo xilligaas magaalooyin badan gacanta ku hayay, waxaana Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo shirka London ka hadlay uu soo jeediyay in Ciidamada Itoobiya la wareegaan magaalooyinka xarumaha u ah gobolada ee dhanka xuduuda u dhow, si marka ay xoreeyaan ugu wareejiyaan Ciidamada AMISOM.

W/Q: Cabdicasiis Golfyare.