MUQDISHO-AYAAMAHA-Al-Qaacidda ayaa isku dayaysa iney ka faa’iideysato xasilooni darrada ka aloosan dalkaasi Mareykanka oo waxay isku dayaysaa iney xiriir la sameeyso Muslimiinta iyo Masiixiyiinta dalkaasi.

Xaaladdaan ugu dambeysay ayaa isoo ifbaxday kaddib markii jaraa’id lagu magacaabo One Ummah oo uu ururka Al-Qaacidda leeyahay lagu daabacay sawir muujinaya daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha George Floyd. Jaraa’idka ayaa sidoo kale lagu daabacay sawir gacmeed muujinaya taageerada kooxda ee dibadbaxayaasha ku sugan waddooyinka.

Warbixinta oo lagu daabacay luuqadda Ingiriiska ayaa waxaa si cad loogu talagalay taageerayaasha ururka ee ku sugan Mareykanka.

”Dibadbaxyo rabshada wata ayaa hareeyay guud ahaan Mareykanka, waxayna u muuqataa in dagaal sokeeye uu qarka u saaran yahay” xitaa Dimuqraadiyiinta idin ma caawin karaan balse inaga waan idin caawin karnaa.” Waa qaar ka mid ah warbixinta Al-qaacidda ee jaraa’idka lagu daabacay.

Mina Al-Lami oo ka hawl-gasha BBC Monitoring ayaa sheegeysa iney jiraan farqi u dhaxeeya Al-qaacidda iyo kooxda uu xifaaltanka ka dhaxeeyo ee ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka.

“IS aad ayay ugu faraxday oo waa ay ku raaxeysanaysaa dhibaatada Mareykanka waxayna saadaalineysaa in dhibaatada ay ku baahi doonto dalal kale, halka galaangalka Al-Qaaciidda ee Marekankana uu aad sarreyo oo waxay xitaa isku dayaysaa in dibadbaxayaasha Mareykanka ay ka dhaadhiciso fikirkeeda Islaamiga ah, ayay tiri.

Falanqeeye-heena ayaa sheegaya in warbixintaasi lagu daabacay jaraa’idka uu qoray qof aqoon dheer u leh Mareykanka, aadna ula socda xaaladda ka aloosan Mareykanka.