Jalalaqsi-Ayaamaha-Wararka laga helayo Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Al-shabaab lagu dilay dagaal Culus uu ka dhacay duleedka degmadaasi.

Maamulka degmada Jalalaqsi ayaa xaqiijiyay in ay dileen ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib markii ay wadada u galeen gaari Caasi ah oo ay la socdeen.

Maxamed Nuur Caga Joof oo ah gudoomiyaha degmada  Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay dagaal ka dhacay duleedka degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dilka xubnahan ka tirsan Al-shabaab uu yimid ka dib markii Ciidanka dowladda ay howlgal ka fuliyeen wadada xiriirisa Jalalaqsi iyo Buulo burde ee gobolka Hiiraan.

Sidookale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu xusay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay weerarkaan ay sheegeen Ciidanka dowladda in ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.