Yaaq Baraawe-(Ayaamaha)-Al Shabaab ayaa shalay fagaare kuyaala deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay waxa ay ku toogteen shan nin oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen Jawaasiis u shaqeysa dowlada federaalka iyo Wadamo Shisheeye.

Toogashadaan oo ka dhacday meel fagaaro ah oo ku taalo Deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal kamid ah dadka halkaas ku nool.
Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka ku riday ragan ayaa sheegay in ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay ee ahaan Jawaasiisnimo, waxa uuna Qaadiga shantaas nin ku riday xukunka dilka ah ee lagu fuliyay.

Magacyada raga Al Shababa xukunka dilka ah ku fuliyeen ayaa kala ahaa

1) Aadan Muuday Maxamad

2) Ayuub Xasan Maxamed

3)  Maxamed Isxaaq Xasan

4)  Maxamuud Cabdi Isxaaq

5) Cabdi Maxamad Isxaaq

Al Shabaab ayaa sidan oo kale horey xukuno dil ah ugu fulisay dad badan ay ku eedeeyeen in ay jawaasiis u ahaayeen Sirdoonka dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale sirdoonada wadamo kale .