Muqdisho-Ayaamaha-Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen Afar ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Goobta toogashada ka dhacday ayaa waxaaa ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka deegaanka Sablaale,waxaana dil toogasho ah lagu fuliyey Afarta Ruux oo Al-Shabaab ay sheegeen inay u Shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya,waxaana Afarta Ruux ay kala ahaayeen.

1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa maamulka degaanka Kuntuwaarey, uguna magacaawnaa dhirta iyo daaqa.

2: Xasan Cismaan Cali (Abayle) oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ka howlgala Baraawe aadna looga yaqaanay degmadaas.

3: Xasan Faarax Maxamad (Gambiye) ayey sidoo kale Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda, islamarkaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

4: Xuseen Xassan Geelle oo ah ninka afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay dil ugu fuliyeen dad ay sheegeen inay la Shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha taageera.