Al-Shabaab oo Beeniyey inay ka dambeeyaan ( dilka ) Ikraan Tahliil.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa beeniyay in ay ka dambeeyeen Afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ay xalay hay’adda NISA sheegtay in ay ka dambeeyeen Al-shabaab.

War qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu yiri “Kama dambeyn waxbana kama ogin dilka iyo afduubka Ikraan Tahliil, la yaab ayuuna nagu noqday warka ka soo baxay taliska NISA”

NISA ayaa qoraal xalay lagu baahiyey warbaahinta dowladda ku tiri ““HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.”

Hase yeeshee, qoraal maanta kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey warbaahinta kooxda,ayey ku sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn afduubka iyo dilka Ikraan.

Arrintaan ayaa ah arrin halis oo dhalin karta waxyaabo waaweyn oo la rumaysan karin, iyadoo maanta Magaalada Beledweyne lagu afduubtay wiil uu adeer u ahaa FAHAD YAASIIN Taliyaha Hayadda NISA.