Muqdisho-Ayaamaha-Cabdalla Cabdalla oo ah Taliye xigeenkii hore ee NISA ayaa waxaa uu bartiisa Facebook ku soo qoray in Somaliya hadda la ugaarsanayo saraakiisha iyo shakhsiyaadka leh aqoonta Nabadsugidda si loo waayo shakhsiyaad keeni kara xal looga hortagi kara Alshabaab, dibna loogu dhisi karo ciidanka NISA oo si run ah loo dareemay baahida loo qabo si loo helo xog iyo xuraan dhab ah.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa uu facebooka kusoo qoray.

“Waxaa isasoo taraya Khatarta labada Alshabab ay ku hayaan Amniga iyo Saraakiisha , Waxaa jirta in magacyadooda, deegaanka, telka Sawirka iyo CV ha Saraakiisha Ciidanka lala wadaagay Alshabab ka duurka ayna bilaabatay in Sarkaalka loogu tago guryahooda oo albaabka lagu garaaco…

Arintaas Waa in laga hortago oo la qaado tallaaboyin isdifaac ah , sarkaal walba Waa inuu iska badalo Wixii telefan ah ee laga diiwaangaliyay inta Alshabab ku qabsadeen Hay’adaha amniga , in uu sameeyo aagbadal, in la wacyi galiyo qoyska Xubnihiisa ,Si aysan Xogta u bixin Hadii la weydiiyo meesha uu jiro iyo xilliga uu imaanayo.. Qof walba iyo Sarkal walba Waa inuu ogaadaa in uu cadowgu u dhowyaha oo uu la joogo Xataa Kan madaxda kuu ah uu noqon karo, sidaasna uu naftiis Amnigeeda ka taxdaro… Laba Alshabab Waa isku mid Waa xog keene iyo Fuliye.. Allah ayaa fashilin doona dhagartooda…” Halkaan ka eeg.