Muqdisho-(Ayaamaha)-Ururka Al-Shabaab ayaa koox dhaqaatiir xagga Caafimaadka Gosha ah u xil saaray in ay la dagaallamaan Kaneecada ka dhalata Keymaha ay ku yaallaan Tuulooyinka Dadka danyarta ah ee ay Gacanta ku hayaan.

Degaanka Kuunyo barrow iyo Tuulooyinka ku xeeran ee Gobolka Shabeellada hoose ayuu Ururka Al-Shabaab Al-shabaab ka howl geliyay Koox ka buufisa Kaneecada iyo qaniinka ka dhasha Gosha ee waxyeelleeya Dadka iyo Duunyada.

Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada shisheeye ee Dalka ku sugan ayaa mararka qaarkood howlo sama fal ah ka sameeya goobaha ay Gacanta ku hayaa, iyagoo dhowr mar furay kannaallo Biyo mareen ahaa oo xirmay kal hore.