Baydhabo-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas deegaan ku yaalla saakay uu ka dhacay dagaal xoogan, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Koonfur Galbeed iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar dhow jiho ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed ay ku ku leeyihiin deegaanka Goof guduud Buureey ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa lasheegayaa in uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Qoraal lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goof guduud Buureey oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Goof guduud oo qiyaastii 30 KM ujira Magaalada Baydhabo.