Muqdisho-Ayaamaha-Al-shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku yaalla Degmada Bu’aalle Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu ahaa Sixirow ahaa.

Ninka ay Al-shabaab Goobta fagaaraha ah ay ku toogteen ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Xasaneey Axmed Kaaytooy oo 35 sana jir ahaa,waxaana Al-shabaab ay sheegeen in dadka ku diri jiray Jiniga,isagoona sidoo kale dadka kasaari jiray Jiniga lacagna ugu qaadan jiray.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab fuliyaan Xukuno noocan oo kale ah,hayeeshee dilkaas ayaa waxaa uu noqonayaa kii 14-aad oo Saddex maalin gudahood Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.