Al-Shabaab Oo Fagaare Ku Toogtay Nin Lagu Sheegay Inuu Ahaa Sixiroole

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gelinkii dambe ee shalay dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen Nin lagu eedeeyay inuu Sixiroole ahaa.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhacayay, si ay u daawadan xukunkaas oo lagu fuliyay Ninkaas.

Ninkaas oo Magaciisa Lagu sheegay Maxamed Sidiiq Xuseen ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu muddo ku Shaqeysan jiray sixirka, dad badana uu dhibatooyin kala duwan ugu geystay.

Garsoore u hadlay Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Ninkaasi uu qirtay dambiga loo heystay, isla markaana muddo  sanad ah uu ku Shaqeysan jiray sixirka.

Al-shabaab ayaa horey rag lagu soo eedeeyay inay Sixiroole ahaa ahaayeen waxaa ay ku toogteen deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka, sidoo kalena horey u toogtay rag kale oo arrimo kala duwan lagu eedeeyay.