MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Doon buraale ee gobolka Shabeelaha Hoose waxay shalay gelinkii dambe xukun gacan goyn ah ugu fuliyeen nin ay ku eedeeyeen inuu ku kacay fal xatooyo ah.

Goobta xukunkan uu ka dhacayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.

Qaadiga Maxkamadda ayaa fagaaraha uu xukunku ka dhacayay ka akhriyay dambiga lagu helay Cismaan Manuureey Muxamed , Waxaana uu sheegay in uu dukaan jabsaday ninkaan oo qaatay lacag dhan 6 Milyan oo Shilin Soomaali ah.

Maxkamadaha Shabaab ayaa badanaa xukunada ay qaadaan waxa ay yihiin kuwa hal dhinac ah, maadaama dadka dambiyada ay ku soo eedeeyaan aanan laga hayn qiraal cad oo ku aadan falka lagu soo eedeeyo iyo qareeno difaaca.