Al Shabaab oo Gaadiid Xamuul ku Gubay inta u Dhaxeysa Magaalooyinka Quracjoome iyo Xudur

Warar Dheeraad ah Ayaa Kasoo Baxaya 13 Gaaari oo Xamuul ah oo Kabaxay Magaalada Baladweyne una Socday Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool oo Ay Alshabaab Wadada u Galeen.

Deegaan Lagu Magacaabo Baaba Wayne oo u Dhaxeeya Degmada Quracjoome Iyo Magaalada Xudur Ayeey Gaadiikan Ku Weerareen Alshabaab Xilli Ay u Shixnad Ganacsi oo Kala Duwan u Wadeen Magaalada Xudur Waxaana Halkaa Dagaalo Culus ay Ku Dhexmareen Alshabaab Iyo Ciidan Katirsan Dowlada oo Kayimid Xudur Kuwaas oo Gaadiidka Galbinayay.

Ciidamo Deegaanka ah oo si iskood isu Abaabulay oo lamagacbaxay westland Ayaa kolkii hore gaadiidkan ka galbiyay Degmada Quracjoome iyagoo geeyay Deegaan u dhaw Baabaweyne Halkaasoo Ay Kula wareegeen Ciidan ka tirsan Militariga Soomaaliya oo Xudur ugu yimid Ineey gaadiidkan wadaan.

Dagaalo Culus oo in Mudo ah ka dulsocday gaadiidka ayeey Alshabaab ugu suura Gashay ineey gubaan 9 Gaari oo xamuul ah Waxaana Halkaas ku bas beelay gaadiidka iyo rarkii Ay Wadeen.

Sagaal Gaari oo Kamid ah 13 Gaari oo Baladweyne Kabaxay Ayaa Halkaas Ku Gubatay Waxaana Baxsaday Afar Gaari oo Lasheegay ineey u Kala Baxsadeen Magaalooyinka Quracjoome iyo Xudur.

Dhulka Lagu Dagaalamay oo aan Isgaarsiin Laheyn Awgeed Macada Qasaaraha Nafeed Ee Dagaalka Kadhashay.

Todobaadyo Kahor Ayaa Sidan oo Kale Wadadan Lagu Gubay Todobo Gaari oo Xamuul ah oo Iyana Sidan oo Kale Kabaxay Magaalada Baladweyne Kuwaas oo Shixnado Ganacsi u Waday Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Alshabaab Ayaa horay u go,doomiyay Magaalada xudur Waxaana Magaalada u furneed halkan wado oo Quracjoome kabaxda