Beleweyne-Ayaamaha-Al-shabaab ayaa maanta Goob fagaare ah waxaa ay ku dileen seddex Nin oo ay ku eedeyeen in ay la shaqaynayeen  Dowladda Federalka Somaaliya, waxaana raggani seddexda ah lagu toogtay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Buqaqable ee Gobolka Hiraan.

Ragga ladilay oo gaarayay seddex nin ayaa kala ahaa Cabdu Qaadir Xasan Aadan oo 25 Jir ah, Cabdi Caziiz Axmed Maxamuud oo 28 Jir ah iyo Faarax Cali Jibriil oo 29 Jir ah, laba kamid ah ragga ladilay ayaa ku eedaysan in ay ushaqeynayeen dowladda Federaalka, halka midka kalena ay Al-shabaab ku eedeeyeen in uu ahaa askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federalka Soomaaliya.

Waxaa Xukunka Ridday Maxkamad ay Alshaabab ku leeyihiin Degmada Buqaqable ee Gobolka Hiiraan, iyadoo ay ku toogteen Goob Fagaare ah.

Alshabaab ayaa inta badan waxaa ay xukunno dil ah ku ridaan dad sheegaan in ay la shaqaynayeen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha Shisheeye.