Balcad-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta dagaalamayaasha Al-shabaab ay la wareegayn degaanka Xawaadley ee degmada Balcad sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya.

Degaankaan Xawaadley oo dhowr kiilo mitir u jira Degmsda Balcad ayaa muhiim u ah sugidda amniga degmadaasi waxaana la sheegay in ay isaga baxayn Ciidamada Soomaaliya kadib markii ay ku soo dhawaadayn dagaalamayaasah Al-shabaab.

Maamulka HirShabeelle ayaa sheegay in dagaal waqti kooban qaatay Al-shabaab kula wareegayn degaanka hadana ay dib ugu laabanayaan degaanka Xawaadley ee degmada Balcad.

Habeen ka hor ayey aheyd markii Al-shabaab qabsatay Balcad iyagoo gubay Saldhiggii degmada sidoo kalane la sheegay in ay gubayn gaadiid yiilay Saldhigga degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.