Muqdisho-Ayaamaha-Laamaha Amniga Jubbaland ayaa waxay sheegeen in howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen Duleedka Kismaayo lagu dilay Xubno katirsanaa Al Shabaab.

Saraakiisha Amniga Jubaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgaka uu ahaa mid laga fuliyey Deegaank Beerxaani Ee galbeedka Kismaayo dhaca.

Hogaamiyahaan la dilay ayaa Magaciisa lagu soo gaabiyey Cali oo Al Shabaab Hogaankooda Saameynta ku lahaa Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay Howlgalkaasi.

Sargaalka Shabaabka la dilay ayaa qeybta Maaliyada inuu uqaabilsanaa Baadiyaha Jubada Hoose.

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland C/nuur Ibraahim ayaa ku faanay in Howlgalkaan udhacay sidii loogu talo galay.

Waa Labo Cisho ee gudaheed markii Jubbaland ay Sheegeen inay dileen Xubno katirsan Shabaab,dhawaan ayaa sidaan o kale howlgal looga fuliyey Baadiyaha Cabdalla Biroole,isla duleedka Kismaayo.