Muqdisho-Ayaamaha-Waxaa Faahfaahino dheeraad ah kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan Al Shabaab kula eegteen ciidamada Kenya deegaano hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Kolonyo ka tirsan Ciidamadaasi Kenya ayaa qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lala egtay xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma oo u dhow Magalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka qaraxyada oo ahaa miinooyin dhulka lagu aasay ayaa sheegay inay gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka Kenya, islamarkaana uu jiro waxyeelo gaartay ciidamada Kenya.

Sidoo kale Kenya ayaa maalma ka hor soo saartay digniin ku aadan inay jiri karaan weeraro Ururka Al-Shabb ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, iyada oo sheegtay inay ka feejigan yihiin.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka waqooyi Bari oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Kenya ay xirtay Xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.