AFGOOYE-AYAAMAHA-Sida lagu daabacay Warbaahinta Al-Shabaab, labo booyadood oo ah nuuca shidaalka qaada ayaa lagu qarxiyay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa ay qayb ka ahaayeen kolonyo gaadiid Xamuul, Shidaal iyo saanad Ciidan u waday Saldhigyo ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma shaacin Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadaas, balse waxa ay sheegeen in ay xaqiijiyeen in labadaas Booyad ay gubteen

Sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo maamulka Gobolka oo ay kaga hadlayaan arrintaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo, balse aysan kala xaqiijin Karin cidda lala eegtay iyo waxyeelada ka dhalatay, waxa ay intaa ku dareen in ay maqlayeen rasaas dhaceysay qaraxyada kadib.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar jidgal ah ku qaaday ciidamada Dowladda iyo AMISOM, Askarta qudhooda ayaa feejignaan ku mara waddooyinka qaar oo ay marar badan weeraro kala kulmeen.