Muqdisho-Ayaamaha-Sida ay sheegeen saraakiiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Al-shabaab ayaa haatan ku mashquulsan fulinta weeraro khasaare dhaliya oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in laga hortagay qaraxyo Al-shabaab ay diyaariyeen kuwaasi oo loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Magaaladda Muqdisho.

Arintaan ayaa imaanaysa xili xalay ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgalkii ugu weynaa ay ka fuliyeen Magaaladda Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa Mudooyinkii dambe waxaa ay kordhiyeen Howlgalada ay ka Fulinayaa magaalada Muqdisho.

Howlgaladda ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Degmooyinka Warta-nabadda, Boondheere, Holwadaag iyo Hodan,waxaana fulinayay Ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tabaran.

Intuu howlgalka socday Ciidamadda ayaa qabtay tiro dhalinyaro ahoo lagu tuhmaayo falalka amnidaro ee mararka qaar ka dhaca magaaladda muqdisho.