Muqdisho-Ayaamaha-Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dil shalay magaaladda muqdisho loogu geystay Mas’uul sare oo katirsanaa ciidamadda militeriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay Xaafadda Haanta Dheer, Dhinaca Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dhalinyaro bastooladdo ku hubeyneyd ayaa toogatay sarkaalka xili uu sii galayay hoygiisa oo ku yaala Haanta Dheer.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jirey Max’med Cabdulle ayaa ahaa madaxii zaadka guutada 6aad ee ciidamada dowladda.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Dilka loo geystay sarkaalka.