Kismaayo-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab dilal qorsheysan ay ka geysteen gudaha degmada Baardheere oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen qeybo ka mid ah magaalada Baardheere, iyagoona guryahooda kala soo baxay illaa saddex guuddoomiye Laameed oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka Guddoomiye waaxeedyada ka tirsanaa maamulka Degmada Baardheere ay ka dambeeyeren rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha la dilay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray ee degmada Baardheere, Jibriil Maxamed iyo Cabdi Santuur oo ahaa Guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan dilka iyo gowraca Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkaas loogu geystay Degmada Baardheere.