Jowhar-Ayaamaha-Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka aty ku dileen magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay dagaalyahhanno ka tirsanaa kuwooda ay sarkaalkaan ku dileen gudaha magaalada Jowhar.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalka ay dishay uu ahaa hal xidigle ka tirsanaa ciidamada ka howlgala magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in xoogagii dilay ay horay uga sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle oo ku aadan dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ammaanka Jowhar ayaa ahaa mid hagaagsan, iyadoona ciidanka amnigu ay howlgallo ka wadeen gudaha magaalada Jowhar.