MUQDISHO-AYAAMAHA-Al-shabaab ayaa sheegatay dil qorsheynaa oo xalay ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta Al-Shabaab ku baahiso wararka ayaa lagu sheegay in weerar gaadma ahaa ay ku dileen hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan nabad sugida, islamarkaana ay dhaawaceen mid kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in raggiii fuliyey toogashadaasi oo baxsaday ay horey usii kaxeysteen mooto ay wateen askarta la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, marka laga tago sheegashada Al-Shabaab.