Muqdisho-Ayaamaha-Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay Injineer Turkish ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Soomaali ku sugneyd goobta.

Qaraxaasi ayaa ahaa miinada nuuca dhajiska loo yaqaano oo haleeshay gaari nuuca Hilux oo Injineerka Turkiga udhashay uu la socday.

Waxay Al Shabaab galabta sheegaeen in ay iyagu ka dambeeyeen Qaraxaasi lagu dilay Sargaalkaasi Turkida ahaa.

Shabaab ayaa sheegay in uu ahaa ninka ay dileen Sargaal katirsanaa saldhiga Meliteriga Turkiga Ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Deegaanka Jaziira.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay bartilmaameydsan doonaan saraakiisha kale ee u dhashay dalka Turkiga kuwaasi oo ku sugan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab.

Dawlada Turkiga weli kama aysan Hadlin Injineerka magaciisa lagu soo gaabiyey Mustaf Ee Maanta looga dilay Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho.