Muqdisho-Ayaamaha-Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa shalay waxaa ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Tooratoorow oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo saldhig wyen uu u ahaa Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka deegaankaas lagula wareegay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qabteen Xubno uu ku jiray guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Shabeellaha hoose,isla markaana ay si buuxda ula wareegeen Ammnaaka deegaankaas.

Warar ay Al-Shabaaba ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidamada ay si nabadgelyo ah deegaanka uga baxeen,isla markaana ay iyaga Magaalada lawareegeen.

Majirto weli wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Saraakiisha Ciidamaa Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku aadan warkaan kasoo baxay Al-Shabaab.