MUQDISHO-AYAAMAHA-Diyaaradda oo ah nooca wax basaasta ee aan duuliyaha laheyn ayey warbaahinta taageerta Al-shabaab waxay sheegeen iney kusoo dhacday duleedka garoonka Bali-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeella hoose ee maamulka Koonfur galbeed.

Sida ay ku sheegeen warkooda, diyaaradan oo ah mid yar ayaa markii ay dhacday dul heehaabeysay deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo u dhaw Ballidoogle, waxayna tilmaameen inay ku jirtay “howlgal basaasnimo ah.”

Diyaaradda bur-burtay ayaa la aaminsanyahay iney kasoo kacday garoonka Bali-doogle oo saldhig u ah ciidamada dowladda ee uu Mareykanka tababaro iyo ciidamo Mareykan ah,  sido Ilo ammaan ay dhowr jeer ku warrameen.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee “AFRICOM” iyo dowladda Soomaaliya oo ku aaddan xogta la xiriirta diyaaraddan soo dhacday.