Muqdisho-Ayaamaha-Al-shabaab ayaa goob fagaaraha oo ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose,waxaa ay ku toogteen  shan qof oo lagu  Eedeeyey  inay la Shaqeeynayeen Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

5-ta  Ruux oo ay Al-Shabaab toogashada ku fuliyeen oo dhamaantood rag wada ah  ayaa waxaa ay da’dooda lagu sheegay, qofka ugu yar da’diisu waxaa lagu sheegay 24 jir,waxaana ugu da’ weyn 59 jir kuwaas oo ay AL-shabaab ku eedeeyeen in ay u kala shaqeynayeen Mareykanka,Kenya iyo dowladda Soomaaliya.

Raggga Al-Shabaab ay toogteen ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay.

1-cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle) oo 59 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay Ciidamada Danab iyo sharikadda Bangraf ee tababarta ciidamada Soomaaliya.

2-Cabdi kariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya .

3-Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) oo 35 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay Dowladda Kenya.

4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaana waxaa lagu eedeeyay in uu u  basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Goobta Al-Shabaab ay ku toogteen 5-ta ruux ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada ay u daawadaan.