Muqdisho-Ayaamaha-Al-Shabaab ayaa Meel fagaaro ah waxaa ay ku toogtay oday 70 sano jir, waxaana lagu toogtay deegaanka Tooratootoow ee Shabeellaha Hoose.

Al-Sahbaab ayaa Odayga la toogtay waxay ku eedeeyen in uu isla wada guursaday Gabar iyo Hooyadeed, waxaana odaygaasi lagu magacaabi jiray Abshir Maxamad Cabdi.

Garsooraha Maxkamada Al-Shabaab ee deegaanka Tooratootoow ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in  Maxkamada uu u soo dacwooday Nin Adeer u ah Gabadha uu Odayga Guursaday oo lagu Magacaabo Xassan Khaliif Aadan,isaga ku eedeeyay in Gabadha Hooyadeed uu horay u qabay, islamarkaana hada uu Gabadha hal cunug ka dhalay.

Sida la sheegay Gabadha uu Oday guursaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Cadeey Manuur Khaliif , halka hooyadeedna lagu sheegay Xaawa Cabdi Biille.