Nairobi-Ayaamaha-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xaruun militari oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada badda Mareykanka iyo kuwa Kenya, kaasi oo ku yaalla deegaan ka tirsan ismaamulka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarkaas ayaa waxaa uu ka dhashay  khasaaro, inkasta oo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah.

Kenya weli kama hadlin weerarka, balse  waxaa dhowaan lagu wado in saraakiisha ammaanka Kenya ay ka warbixiyaan dagaalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen ismaamulka Laamu ee dalka Kenya, kaas oo ay ku sheegeen inay ciidamo badan uga dileen Kenya.