Afgooye-Ayaamaha-Dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Nawaaxiga garoonka Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen ciidamada dowladda gaar ahaan ciidanka Danab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen kuna dhaawaceen askar dhowr ah, sidoo kale ay hub kala wareegeen ciidanka Danab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka Danabka.