Kismaayo-Ayaamaha-War kala duwan ayaa ka soo baxaysa dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab oo xalay  saqdii dhaxe ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen jugta hubka culus ee is dhaafsanayeen dagaalyahanada weerarka soo qaaday iyo ciidamada Kenya, weerarka ayeyna sheegeen in uu socday daqiiqado badan.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xerada Milatariga Kenya ka joogaan deegaanka Kulbiyoow ayaa ku bilowday weerar madaafiic ah waxaana xigay weerar toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen xerada.

Lama oga ilaa hada khasaaraha soo kala gaaray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Kenya , waxaana adag in si madax banaan loo ogaado khasaaraha kala duwan ee labada dhinac kala gaaray.

Shalay ayey aheyd markii dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig milatari oo ay si wadajir uga howlgalayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa dowladda Kenya oo ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo uu ka dhashay khasaare xoog leh.