Afgooye-(Ayaamaha)-Wararka Naga soo gaaraya Deegaanka Sabiib ayaa sheegaya in Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay xalay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay ciidamada xooga ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu socday mudo kooban, waxaana duleedka degmada Afgooye laga maqlayay rasaasta ay isweedaarsanayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga oo ku sugaa Saldhig ku yaala deegaabka Sabiib.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Sabiib uu ahaa mid aad u culus, iyadoona hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab.

Deegaanka Sabiib ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab, iyadoona horey halkaasi ay u maamulayeen Al-Shabaab.