Muqdisho-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Dagaal xoogan uu ka dhacay Deegaankaas.

Sida aan wararku ku helnay Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinaca ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab xalay weerareen Saldhigyo Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha labada dhinac ee ka dhashay dagaalkaas, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobalka shabeelaha Hoose.