Xalay saqdii dhexe ayaa weerar qorsheysan lagu qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ciidamada sida gaarka u tababaran oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka ay weerareen deegaankas.

Ciidamada Kumaandooska dowladda Soomaaliya oo watay labo diyaaradood oo Helicopter ah ayaa la sheegay inay weerareen deegaanka Bariire oo saldhig u ahaa Al Shabaab, waxaana kadib degtay ciidamada.

Inta Weerarka lagu qaadin ayaa waxaa ka horeeyay Duqeyn dhanka Cirka ah oo ay Diyaaradaha dagaalka ee Drones-ka ay deegaanka Ku qaadeen, waxaana Markii Weerarka uu dhacay ka dib bilowday Dagaal toos ah oo ay isla galeen labadii dhinac ee dagaalamaayey.

Dadka degaan deeganka ayaa soo sheegaya in ciidamado caddaan oo Mareykanka ah iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya ay gudaha u galleen degaanka waxaana ay si toos ah u bartil maameydsadeen Saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen Xarakada Alshabaab.

Markii dambe ayaa Ciidamada Mareykanka dhulka u degteen ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerarka tooska ah ee lagu qaaday deegaanka Bariire, waxaana saaka xaalka uu u muuqda mid degen.

Dowladda Soomaaliya, Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Al Shabaab wali wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Khasaaro ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay weerarka, waxaana bartilmaameydka weerarka uu ahaa xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku shirayay xiligaasi goobta la weeraray.