MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarakada Al-Shabaab ayaa is bedel ku sameysay Maamulkii ugu magacawnaa Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo xilka laga qaaday Guddoomiyihii ugu waqtiga dheeraa ee gobolkaas ugu magacaabaa Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-kudukade.

Sheekh Yuusuf Kaba-kudukade ayaa muddo 10 sano ku dhow ugu magacawnaa Al-Shabaab Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo uu ahaa nin gobolkaas ka soo jeeday.

Al-Shabaab ayaa xilka Waaliga ama Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe u magacawday Cabaas Abuu Muxumad oo loo yaqaano Khaliif Cadale oo ahaa nin rug cadaa ah oo muddo Al-Shabaab xilal kala duwan ka soo qabtay.

Ninkan ayaa soo qabtay xilalka Madaxa Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Is bedelkan ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay is bedelo ka dhex socday muddooyinkii u dambeeyay gudaha Al-Shabaab, iyadoo saraakiil dhowr ah awoodahooda hoos loo dhigay, halka kuwa kalena xilka laga qaaday.