Afmadow-Ayaamah-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay degmada Afmadow ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbland oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.

Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic Al Shabaab ku garaaceen saldhiga, waxaana xiligaasi kadib bilowday rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayeen Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada huwanta ah ee ku sugnaa saldhiga.

Dadka ku dhaqan degmada Afmadow ayaa sheegay in si weyn u maqlayeen rasaasta labada dhinac is dhaafsanayeen, waxa ayna dadka deegaanka sheegeen in markii dambe dagaalka joogsaday kadib markii dib u laabteen ragii weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

Al Shabaab ayaa weeraro u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq xiliyada habeenkii marraka qaar ku qaada saldhigyada ciidamada dowlada iyo kuwa maamulada ku leeyihiin qaar kamid ah gobolada dalka.