Muqdisho-Ayaamaha-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamada Amniga waxaa duldhigtay amar culus si looga hortego weeraro Ay Al Shabaab damacsan yihiin inay ka fuliyaan Muqdisho.

Taliska Booliska iyo Kan nabad sugida waxay muujiyeen inay wada shaqeyn dheeraad ah yeesheen bilihii lasoo dhaafay,taas oo nabad gelyada ay aheyd mid wanaagsan.

Tan iyo markii habeen hore la weeraray Xarunta Hoteelka SYL Ee Muqdisho waxay jawi kale gelisey hal bacaad lagu lisayna ka dhigtay ciidanka Amniga howshii cusleyd ay soo hayeen.

Askar cusub oo dhawaan tababar soo dhameystay ayaa lagu biiriyey Amniga kuwa sugayey ee kusugnaa isgoysyada Muqdisho.

Amarka Laamaha amniga ay soo saareen waxay ka dhigneyd mid lagu dhiiri gelinayo Ciidanka dawlada oo ay kaga hortegaan weerar kale oo soo qaadaan kadib Habeenkii Talaadada kii ay ku beegsadeen Hoteelka SYL.