GAROWE-AYAAMAHA-Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed ayaa ku dhawaaqay in la furay dhammaan Maxkamaddaha Puntland si loo qaado kiisaska taagan.

Kusimaha ayaa go’aankan kucadeeyey warqaddan oo loo diray Maxkamaddaha Puntland, waxaana aan wali la xaqiijin in CoroneVirus uu ka dhamaaday deegaanada Puntland.

Garsoorka Puntland ayaa lagu eedeeyaa dhexdhexaad la’aan iyo in uu yahay mid kamid ah meelaha ugu musuqmaasuqa iyo cadaalad-daradda badan mararka ay dhacaan dhibaatooyinka aysan uga cabsaneyn culeys sare.

Waxaa jirtay in xitaa Madaxweyne Siciid Dani iyo Kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) uu ukala eexday Muranka siyaasadeed ee ka dhex jira Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamada Sare Nuur Ciise isagoo dhawaan dhaariyey Wasiiradii Dani magacaabay.