AMISOM oo bilaawday baarista duqeymahii Kenya Ee Gobolka Gedo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Howlaglka Midowga Afrika ee AIMSOM ayaa qoraal kasoo baxay lagu shaaciyey in AMISOM iyadoo ka jawaabeysa bayaankii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya 4-tii bishan ay bilaawday baaritaanka duqeymihii ciidanka Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo.

“Howlgalka ayaa hada ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan shilka la soo sheegey, waxaana si dhow ula shaqeyn doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan daneeyayaasha kale oo ay khuseyso inta aan baareyno arintaan,” ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in AMISOM ay waajib ku tahay inay si habsami leh ugu fuliso howlaheeda loo igmaday ee Soomaaliya, si waafaqsan asluubta, iyadoo la raacayo dhammaan sharciyada caalamiga ah ee khuseeya howlgalka. “Sidaas darteed waxaa ka go’an inay baaraan dhammaan eedeymaha ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda ka dhanka ah ee loo geysto rayidka.”

“AMISOM waxay si buuxda u baareysaa dhacdada la sheegay wixii ka soo baxana waxaa lala wadaagi doonaa dhammaan daneeyayaasha ay khuseyso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka AMISOM.

Maalin ka hor 4-tii June war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyey duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.