Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Kismaayo Waxaa Maanta kulan ku yeeshay Golaha Amniga oo ay Ku mideysnaayeen Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Jubbaland.

Saraakiisha AMISOM ayaan ka qeyb gelin shirkaasi maanta dhacay sabab aan la ogeyn,iyadoo macquul tahay in ay ku lug leedahay Siyaasada Cakiran Ee Dawlada Dhexe iyo Jubbaland.

Kulanka maanta dhacay waxaa shir gudoominayey Madaxweyne kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,waxaana bishiiba Hal mar la qabtaa kulanka.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland iyo wasiirada qaar ayaana xaadiray,waxaana laga hadlay Xaalada Amniga Jubbala iyo Howlgaladii ugu dambeeyey.

Waxay Golaha isku raaceen in la bilaabi doono dhawaan Duulaan lagu qaadayo Al Shabaab si looga xoreeyo deegaanada ay joogaan.