AMISOM ayaa ka hadashay sawir labadii maalmood ee la soo dhaafay aad loogu hadal hayey baraha bulshadu ku xiriirto gaar ahaa Twitter-ka iyo Facebook oo ah  sawirka gabar Soomaali ah oo askari ka tirsan ciidanka AMISOM cabbir ka qaadayo si loogu biiriyo Booliska Maamulka Hirshabeele.

Sawirkan ayaa muujinayay askari ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM oo cabiraya ruux dumar ah oo la sheegay in loo diyaarinayay ka mid noqoshada ciidamada Booliska ee Maamul goboleedka Hirshabelle.

Askariga sawirka ka muuqday ayaa muuqaalkiisa waxaa uu shabahay ruux lab ah iyadoo gabadha Soomaaliyeed oo xiran xijaabna laga cabirayay qeybta hore ee jirkeeda.

Qoraal ka soo dhigay barta Twetterka ee AMISOM ayaa lagu yiri “ Fadlan ogaada sarkaalka Booliiska ee AMISOM ee cabirka ka qaaday gabdha la qorayo (la ciidamaynayo) ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliiska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal lab (Rag) ah inuu taabto haween Somaali ah”.

Ciidamada AMISOM ayaa hore loogu eedeeyay inay ka geysteen dalka Soomaaliya falal ka baxsan anshaxa.