Mahadaay-(Ayaamaha)-Warar aan ka heleyso Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi ay la wareegay Ciidamada dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlaga AMISOM,kadib markii ay ka soo baxeen Ciidamadii dowladda Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay Saldhigyo ku lahaayeen meel ka baxsan degmada Mahadaay,isla markaana haatan ay la wareegeen gacanta ku heynta degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Burundi lagu arkayo Xaafadaha Magaalada,iyagoona soo galay kadib markii saakay ay halkaas isaga soo baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saaka ayey aheyd markii Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay isaga soo baxay qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana kamid ah Mahadaay, Qalimow Garsaale,Haan sheekh iyo goobo kale oo ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri.