Baladweyne-(Ayaamaha)-Xaaladda ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa haatan deggen, markii ay Ciidanka Amisom la wareegeen Gacan ku haynta goobaha ugu muhiimsan ee maamulka Gobolka Hiiraan iyo koontaroolka degaanka Kalabeyr oo ah halkii ay ka billaabatay shaqaaqadii Shalay ka dhacday halkaasi.

Goobaha ay la wareegeen Ciidanka nabad ilaalinta Amisom ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo daacad u ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ,Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Magaalada Beledweyne ayaa lagu wadaa inuu garo guddi uu xaqiiqa raadin ah oo Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda federaalka Soomaaliya, xilli uu Guddoomiyahii hore Yuusuf Dabageed, ku adkaysanayo inuusan xilka wareejin doonin.