Dhuusamareeb-Ayaamaha-Ciidamada Amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay soo saareen amaro la xiriira in shirar siyaasadeed lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Amaradan lagu soo rogay Siyaasiyiinta ayaa ah in shirar siyaasadeed ee dowladda Federaalka ogeyn lagu qaban karin Magaalada Dhuusamareb, iyada oo warqado digniin ah loo geeyey Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada ee meelaha kale shirar ka lagu qabto.

laamaha Amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa Sidoo kale waxaa ay sheegeen in tallaabo ay ka qaadi doonaan cidii qabata shir aysan ka warheyn dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay muddo kooban waxaa ay la wareegeen goob Mowlac ah oo ay ku sugnaayeen Culumo taageersan Ahlu Sunna, waxana la sheegay in joojiyeen howlihii halkaas ka socday.